(Akhriso) Sagaal Shardi oo lagu xiray musharaxiinta doorashada Koonfur galbeed

Guddiga doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay ilaa 9 qodob oo ah shuruudaha laga doonayo qofka noqonaya murashaxa madaxweyne ee maamulka.

Shuruudaha ayaa kala ah.

1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabiun xaas ajnabi ah.

2- Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka.

3- Da’diisu in aysan ka yarayn 40 sano.

4- Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas.

5- In Dhimirkiisu dhan yahay.

6- In uusan galin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

7- Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay

8- Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka).

9- Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada.

Doorashada waxaa ka qayb galaya dhowr iyo toban murashax oo ay ku jirto hal gabar – Aamino Maxamed Mursal – waxaana murashaxiinta ka mid ah madaxweynaha maamulka haya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -